Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Tababar lagu baranayay Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed ayaa soo xiray tababar lagu baranayey kicinta cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka.

Xafladda oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Dakhliga, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Taliyaha guud ciidamada Booliiska, kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud Ku-xigeenada Wasaaradda, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud iyo mas’uulyiin kale.

Maamulayaasha dakhliga sagaalka gobol, Ciidamada ilaalada cashuuraha iyo Ciidamada nabadgalyada wadooyinka oo muddo seddex beri ah qaadanayey casharo la xiira Xeerka cashuuraha Berriga iyo Tacriifada furdooyinka ayaa ugu danbayntii ku guulaystay in la soo xero.

Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la baray aqoon badan oo la xiirta shaqooyinka ay bulshada u hayaan waxana bixinaayey macalimiin iyo Khabiiro ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo aqoon durugasana u leh kicinta dakhliga.

Dhinaca kale Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta Booliska iyo xeer ilaalinta ka codsaday in gacan laga siiyo siidii sharciga loo horgayn lahaa dadka cashuur diid ka ah si taalabo looga qaado.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dowladda ayaa ballan qaaday dhankooda in ay Wasaaradda Maaliyada gacan ka siin doonaan in sharciga la hor geeyo dadka cashuur diid ka ah.

Ugu dambayn dhammaan Madaxdii ka qayb gashay xaflada ayaa maamulayaasha dakhliga gobolada kula dardaarmay Casharadii ay qaateen laga dareemo xarumihii ay ka yimaadeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland