1 (1)

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo soo xiray Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda-PFMIS-[Sawirro]

GAROOWE – Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Tababar ugu soo xiray Wasaaradaha iyo Hay’addaha Madaxa banaan ee Dowladda, tabarkaas oo ku saabsanaa Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (PFMIS).

Tababarkan oo ay kasoo qayb galeen Agaasimayaasha maamulka iyo xisaabiyeyaasha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan.

Xirtiaanka tababarka,Agaasimaaha Guud waxaa ku weheliyey Agaasime guud, ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo Tababarada Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Nidaamka Xisaabaadka Dowladda Puntland wuxuu xoojinayaa isla xisaabtanka, hufnnaanta iyo daahfurnaanta waana mid ay Dowladda Puntland guulo wax ku ool ah ka gaartey.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo xiray tababarka, waxaana xusid mudan in shaahado sharaf la siiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland, kuwasoo ka qayb-qatay soo xeraynta dakhliga dowladda ,waxana Agaasimu kula dardarmay In Hay’adaha dowladdu u istaagaan sidi dakhliga kor loogu qaadi lahaa si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo ee ay bulshada u hayso.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daahfuray Tababarka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda -PFMIS-[Sawirro]

GAROOWE-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku Daahfuray Tababar ku aadan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (PFMIS), Tababarkan oo ay kasoo qayb galeen Agaasimayaasha maamulka iyo xisaabiyeyaasha wasaradaha iyo hayadaha madaxa banaan.

Daah-furka tababarka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan, Agaasimaha waaxda miisaaniyadda Cabdisamad Surato, Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo Tababarada iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu barto:

1. Balaarinta Miisaaniyadda 2024.
2. Side loo soo xereeyo Xereynta Dhaqaalaha Deeqaha Dibada (Revenue Capturing),
3. Sidii Dakhli loogu aqoonsan lahaa Lacagaha tooska UN-ku u maamulo (Direct Payment)
4. Maamulida Lacagaha la isa sii dabaro (Re-imbersement)
Iyo Lacagaha horumariska ah (Advance Payments).

Nidaamka Xisaabaadka Dowladda Puntland wuxuu xoojinayaa isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta, waana mid ay Dowladda Puntland guulo wax ku oola ka gaartey.

Wasiirka ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay kor u qaadida dakhliga, kulana dardarmay In Hay’adaha dowladdu u istaagaan sidi dakhliga kor loogu qaadinlahaa si loo bixiyo Mushaharaadka Ciidamada, Shaqaalaha, hawl socd siinta Dowladda iyo dhismaha horumarinta dalka.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshada Puntland la wadaagay in Cashuurta ay bixiyaan ay gacan aamina ku jirto sikhaldana loo isticmaalidoonin balse bulshada looga baahan yahay in ay dowladda garab istaagaan oo ay cashuurta bixiyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee dakhliga.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasime Ku-xigeenka guud ee dakhliga, Agaasime waaxeed-yada dakgliga, xisaabiyaasha gobalada Nugaal iyo Sool iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka, Wasiir Ku-Xageenada iyo agaasimaha guud ayaa mas’uuliyiinta dakhliga ka dhagaystay dadaalkooda shaqo ee ku aadan sidii loo heli lahaa dakhligii dalka lagu hormarin lahaa iyagoo kula dardaarmay inay sii Labba jibaaraan wax soosaarka dakhliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ku amray mas’uuliyiinta Wasaaradda inay aadaan gobaladda kala duwan ee dalka si loogu kuur galo dadaalada shaqo ee halkaas ka socda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
R (41)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE -Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Punland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta kormeer Shaqo ku tagey
xafiisyada kala duwan ee xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada.

Wasiirka,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mudane Mukhtaar Cabdi Faarax.

Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyada gobalka Nugaal iyo xarunta dhexe ee dakhliga, isagoo habsami u socodka shaqada ka dhagaystay shaqaalaha kala duwan, wuxuuna kula dardaarmay inay sii Laba jibaaraan shaqada gaar ahaan kor u qaadista dakhliga.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii kor loogu qaadi lahaa ilaha dakhliga kala duwan Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeeray Xafiisyadda xarunta dhexe ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray xafiisyada kale duwan ee xarunta dhex ee Wasaaradda.

Kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida habka shaqada xarunta dhex, waxana uu booqaday Wasiirku dhammaan xafiisyada kala duwan ee xarunta isagoo madaxda xafiisyada ka dhageystay qaabka shaqada maalinlaha ay u wadaan.

Wasiirka ayaa faray Madaxda xafiisyada u booqday in loo baahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan hufnaan shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (14)

Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha&Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada, Agaasimaha guud ee Bangiga, Guddoomiyaha Hanti dhowrka Guud iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Guddiga uga warbixiyey Shuruucda Maaliyadeed ay ku shaqayso Wasaaradda Maaliyaddu, Xeerka Miisaniyadda iyo Xisaab xirka Dawladda.

Madaxda Wasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulanka uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labad dhinaca.

Ugu dambayn shirka ayaa si wayn la isugu fahmay waxyaabihii looga wada hadlay ee ku aadanaa hirgelinta iyo kor u qaadida nidaamka Dowladnimo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Shaqada&Arrimaha Bulshadda Puntland oo ka wada hadlay Dardargelinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Puntland ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga.

Kulanka waxuu ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Odawaa.

Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay dardargalinta cashuurta Shaqaalaha iyo ogolaanshaha shaqaalaha (work permit) Ajaaniibta wadanka ka shaqeya.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale looga wada-hadlay xoojinta iyo iskaashiga labada Wasaaradood kuna aadan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soo xeraynta Dakhliga.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Ugu dambayn shirkan ayaa waxaa la isku af gartay dhammaan waxyaabhii looga wada hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga, waxana la isla qaatay in shaqadda dakhli kicinta loo bilaabo si deg deg ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (13)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha guud, Agaasimaha guud kuxeenkaa Dalkhliga,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada.

Shirkan oo ah mid Todobaadle ah ayaa lagu saxaa shaqada laguna soo badhigaa horumarinta shaqooyinka taagan iyo sidii loo qaban lahaa.

Todobaadkan waxaa Shirka looga hadlay
1) Arrimaha Miisaaniyadda.
2) Arrimaha Dakhliga iyo Kormeerada Gobolada.
3) Arrimaha Xisaab xirka 2023-ka.

Ugu dambayn shirkan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah dhammaan qodobada looga hadlayna lagu go’aamiyey in la horumariyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (7)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Shirka Jihaynta Xukuumadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Shirka jihaynta Xukuumadda Puntland ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe, waxaana goobjoog ka ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ka qayb ah shirka Waxqabadka 5tii sano hore Dowladda ee isla xisaabtanka iyo qorshaha kale ee Waxqabadka Wasaaradaha 2024 ilaa 2029.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (14)

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Cali Jaamac ayaa tababar u furay Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan ayaa shaqaaluhu ku baran doonaan waxa afka-qalaad loo yaqaan Procurement (Iibka) wuxuuna socon doonaa 6 cisho waana tababar muhiim u ah dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Qaar ka tirsan shaqaalaha tababarka loo qabanayo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo qabto tababarkan Procurement (Iibka).

Agaasimaha ayaa shaqaalaha tababarka loo qabanayo ee Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ay ka faa’idaysataan aqoonta muhiimka ah ee la bari doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More