News Somali News May 23, 2024 / Osman Turabi / 0 Comments Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee Shaqada Wasaaradda[Sawirro] GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha guud, Agaasimaha guud kuxeenkaa Dalkhliga,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada.Shirkan oo ah mid Todobaadle ah ayaa lagu saxaa shaqada laguna soo badhigaa horumarinta shaqooyinka taagan iyo sidii loo qaban lahaa.Todobaadkan waxaa Shirka looga hadlay 1) Arrimaha Miisaaniyadda.2) Arrimaha Dakhliga iyo Kormeerada Gobolada.3) Arrimaha Xisaab xirka 2023-ka.Ugu dambayn shirkan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah dhammaan qodobada looga hadlayna lagu go’aamiyey in la horumariyo.BaahintiiXafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland