Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha&Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada, Agaasimaha guud ee Bangiga, Guddoomiyaha Hanti dhowrka Guud iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Guddiga uga warbixiyey Shuruucda Maaliyadeed ay ku shaqayso Wasaaradda Maaliyaddu, Xeerka Miisaniyadda iyo Xisaab xirka Dawladda.

Madaxda Wasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulanka uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labad dhinaca.

Ugu dambayn shirka ayaa si wayn la isugu fahmay waxyaabihii looga wada hadlay ee ku aadanaa hirgelinta iyo kor u qaadida nidaamka Dowladnimo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland