GAROOWE -Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Punland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta kormeer Shaqo ku tagey xafiisyada kala duwan ee xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada.
Wasiirka,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mudane Mukhtaar Cabdi Faarax.
Wasiirka ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyada gobalka Nugaal iyo xarunta dhexe ee dakhliga, isagoo habsami u socodka shaqada ka dhagaystay shaqaalaha kala duwan, wuxuuna kula dardaarmay inay sii Laba jibaaraan shaqada gaar ahaan kor u qaadista dakhliga.