
Madaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay gobolada[Sawirro]
GOBOLLADA – Bari, Sanaag, Mudug iyo Karkaar ee Gobollada Puntland waxaa kormeer shaqo ku tegey Madaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Madaxda waxaa hoggoominayay Madaxa Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Muna Marwo Yaasiin Cali oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta ayaa tagay dhammaan Xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee Wasaaradda , iyadoona ujeedku ahaa kormeer shaqo , tababar shaqaale iyo qiimeynta nidaamka shaqaalaha Wasaaradda ee Gobollada.
Mudadii kormeerka lagu jiray mas’uuliyiinta Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda ayaa la kulmay madaxda Wasaaradda ee heer gobol waxaana ay booqdeen Xafiisyada ay shaqaaluhu ku howlgalaan, iyagoona si shaqsi shaqsi ah ula kulmay si ay ugu kuurgalaan xaaladda shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ugu jirto xoojinta tayada shaqaalaha iyo sidii kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo, waxaana tababar la siiyey Shaqaalaha Xafiisyada HR-ka Wasaaradda Maaliyadda ee gobollada.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

































![Guddiga Golaha Wasiirada u qaabilsan Horumarinta Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha Dowladda Puntland oo shir ku yeeshay xarunta W/Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8861-150x150.jpeg)
![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka hor-geeyay Miisaaniyadda Sanadka 2027[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8945-150x150.jpeg)

