
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka hor-geeyay Miisaaniyadda Sanadka 2027[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Baarlamaanka horgeeyey Miisaaniyadda sanadka 2027.
Golaha waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayna weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Maxamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Maxamed Maxamud Ciise Esse.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland ayaa Golaha horgeeyay warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2027, isagoo si faahfaahsan uga hadlay qodobbada miisaaniyadda.
Soo jeedinta Wasiirka ee Miisaaniyadda ka dib waxaa la wareegay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 ee Golaha Wakiillada, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 21 November 2026.
Wasiirka Wasaaradda waxaa ku weheliyay Wasiirku xigeenka Maamulka Mudane Axmed Yaasiin Saalax, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Maxamuud Arbac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Dayib Cali Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
































![Madaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay gobolada[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8882-150x150.jpeg)

