Wasiir Kuxigee ka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista dakhliga canshuuraha berriga.

Wasiirka waxaa shirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, waxaana ka soo qeyb galay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga, iyo dhammaan maamulayaasha Canshuuraha Berriga ee gobollada Puntland.

Shirkan oo si joogto ah u qabsooma 10-kii maalmoodba mar, ayaa looga gol leeyahay kormeerka iyo qiimeynta waxqabadka maamulka dakhliga, gaar ahaan horumarinta iyo meel-marinta qorshaha sanadeedka 2025.

Maamulayaasha Canshuuraha berriga ee gobollada ayaa madaxda kulanka la wadaagay warbixino faahfaahsan oo ku aadan waxqabadkooda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo fursadaha horumarineed ee jira. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo lagu xoojinayo habsami-u-socodka hawlaha maamulka canshuuraha.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay guulaha la gaaray, waxyaabaha aan weli la hirgelin, iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu xoojinayo hufnaanta, waxtarka, iyo wax-soo-saarka dakhliga gudaha, si loo gaaro yoolalka dhaqaale ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland