
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dowladda Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa booqasho kormeer iyo u kuurgelid ah ku tagay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Xisaabiyaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha Xafiiska, isagoo ka dhageystay warbixin guud oo ku saabsan hawlaha shaqo ee Xafiiska, qorshayaasha socda iyo horumarinta nidaamyada Xisaabaadka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xog ka helay waaxyaha kala duwan ee Xafiiska iyo doorka ay ku leeyihiin xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadda Dowladda Puntland.
Ugu dambayn, Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqada iyo dadaalka ay wadaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka Guud, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dadaalka, dardargeliyaan hawlaha muhiimka ah, isla markaana xoojiyaan wada shaqaynta hay’adaha Dowladda.
Baahintii
Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
























![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Ka qaybgalay Kulan looga hadlay Wacyi-gelinta Bulshadda Cashuurta Iibka ee GST[Sawiro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/10/IMG_8512-150x150.jpeg)

