
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Ka qaybgalay Kulan looga hadlay Wacyi-gelinta Bulshadda Cashuurta Iibka ee GST[Sawiro]
GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qaybgalay
kulan ku aadan sidii bulshada Puntland loogu wacy-igelin lahaa hirgelinta Canshuurta iibka ee GST.
Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa Agaasime Guud ee Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Bariga, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimayaal ku xigeeno iyo madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa hawlaha la xiriira hirgelinta Canshuurta GST, diyaarinta fariimaha wacyi-gelinta iyo sidii bulshada loogu gudbin lahaa macluumaad ku saabsan muhiimadda iyo habraacyada canshuurtan maadaama Dowladda Puntland dhowaan hirgelin doonton.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud waxaa lala wadaagay warbixinno ku saabsan hawlihii la qabtay, gaar ahaan Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo cashuurtan la xiir iyo Fariimo isugu jira maqal iyo muuqaal si bulshadu faham xoogan oga hesho cashuurta GST iyo qorshayaasha dhammaystirka hawlaha harsan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ka qaybgalay kulanka kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka harsan, xoojinta wacyi-gelinta bulshada iyo hirgelinta Canshuurta GST si loo xoojiyo dakhliga Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Dhagax-dhiga mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/10/IMG_8489-150x150.jpeg)

