
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Diyaarinta Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 20206[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan lagu qabtay xarunta dhexe loogana hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2027.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirku Xigeenka dakhliga, Wasiirudowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha waaxda Furdooyinka,Agaasimaha waaxda cashuuraha berriga iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Kulankan ayaa siwayn looga dooday isbarbardhig lagu sameeyay miisaaniyadda sanadka 2026 iyo qorshayaashaha miisaaniyadeed ee sanadka soo socda 2027.
Diyaarinta iyo dhammeystirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2027 ayaa qayb ka si loo waafajiyo qorshayaasha dakhliga ee dowladda.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland





















![Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo qaban qaabisay Kulan ku aadan La-tashinga Diyaarinta Miisaaniyadda 2027[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/10/IMG_8578-150x150.jpeg)

