
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo qaban qaabisay Kulan ku aadan La-tashinga Diyaarinta Miisaaniyadda 2027[Sawirro]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa soo qaban qaabisay Kulan ku aadan La-tashiga Diyaarinta Miisaniyadda 2027 iyo qiimeynta lagu sameeyay Miisaniyadda 2026 ayna ka soo qayb galeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladda.
Miisaniyadda 2027 ayaa noqon doonta ISKUTASHI, xoogana la saari doono ku tiirsanaanta dakhkiga gudaha, gaar ahaan Canshuraha Berriga guud ahaan Gobolada.
Wasaarada Maaliyada ayaa xooga saaraysa sidii dowladda Puntland isugu filaan lahayd dhinacyada dhaqaalaha, daboolida adeegyada dowladda, Horumarinta, Daryeelka Ciidanka iyo Adkaynta Amniga guud ahaan dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ka hadlay Furitaankii kulankan ayaa sheegay in Wasaaradu culayska saari doonto dhaqangelinta madaxyada cashuuraha sharciga ah ee aan hore loo qaadi jirin sida Cashuuraha Iibka (GST), Khidmaha Dakhliga Kaluumaysiga iyo khayradka badda, iyo kor u qaadista Madaxyada dakhli ee hooseeya.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa umahadceliyey guud ahaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay kana socday Madaxtooyadda Dowladda Puntland, Wasaradaha Dowladda iyo hay’adaha kale.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
































![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dowladda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/10/IMG_8528-150x150.jpeg)

