1 (5)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeeray Xafiisyadda xarunta dhexe ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray xafiisyada kale duwan ee xarunta dhex ee Wasaaradda.

Kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida habka shaqada xarunta dhex, waxana uu booqaday Wasiirku dhammaan xafiisyada kala duwan ee xarunta isagoo madaxda xafiisyada ka dhageystay qaabka shaqada maalinlaha ay u wadaan.

Wasiirka ayaa faray Madaxda xafiisyada u booqday in loo baahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan hufnaan shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (14)

Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha&Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada, Agaasimaha guud ee Bangiga, Guddoomiyaha Hanti dhowrka Guud iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Guddiga uga warbixiyey Shuruucda Maaliyadeed ay ku shaqayso Wasaaradda Maaliyaddu, Xeerka Miisaniyadda iyo Xisaab xirka Dawladda.

Madaxda Wasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulanka uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labad dhinaca.

Ugu dambayn shirka ayaa si wayn la isugu fahmay waxyaabihii looga wada hadlay ee ku aadanaa hirgelinta iyo kor u qaadida nidaamka Dowladnimo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Shaqada&Arrimaha Bulshadda Puntland oo ka wada hadlay Dardargelinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Puntland ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga.

Kulanka waxuu ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Odawaa.

Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay dardargalinta cashuurta Shaqaalaha iyo ogolaanshaha shaqaalaha (work permit) Ajaaniibta wadanka ka shaqeya.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale looga wada-hadlay xoojinta iyo iskaashiga labada Wasaaradood kuna aadan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soo xeraynta Dakhliga.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Ugu dambayn shirkan ayaa waxaa la isku af gartay dhammaan waxyaabhii looga wada hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga, waxana la isla qaatay in shaqadda dakhli kicinta loo bilaabo si deg deg ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (13)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha guud, Agaasimaha guud kuxeenkaa Dalkhliga,Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada.

Shirkan oo ah mid Todobaadle ah ayaa lagu saxaa shaqada laguna soo badhigaa horumarinta shaqooyinka taagan iyo sidii loo qaban lahaa.

Todobaadkan waxaa Shirka looga hadlay
1) Arrimaha Miisaaniyadda.
2) Arrimaha Dakhliga iyo Kormeerada Gobolada.
3) Arrimaha Xisaab xirka 2023-ka.

Ugu dambayn shirkan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah dhammaan qodobada looga hadlayna lagu go’aamiyey in la horumariyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (7)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Shirka Jihaynta Xukuumadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Shirka jihaynta Xukuumadda Puntland ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe, waxaana goobjoog ka ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ka qayb ah shirka Waxqabadka 5tii sano hore Dowladda ee isla xisaabtanka iyo qorshaha kale ee Waxqabadka Wasaaradaha 2024 ilaa 2029.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (14)

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Cali Jaamac ayaa tababar u furay Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan ayaa shaqaaluhu ku baran doonaan waxa afka-qalaad loo yaqaan Procurement (Iibka) wuxuuna socon doonaa 6 cisho waana tababar muhiim u ah dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Qaar ka tirsan shaqaalaha tababarka loo qabanayo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo qabto tababarkan Procurement (Iibka).

Agaasimaha ayaa shaqaalaha tababarka loo qabanayo ee Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ay ka faa’idaysataan aqoonta muhiimka ah ee la bari doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (11)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furtay Tababarka Cashuuraha Mushaharka Shaqaalaha[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa maanta daah-furay Tababar ku saabsan Hannaanka adeegsiga nidaamka IFMIS.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay Shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Inta u socdo tababarka ayaa waxaa shaqaalaha Lagu baridoonaa, hannaanka ururinta Cashuurta Shaqaalaha (Corporate Payroll Collection System), ujeedka ayaa ah sidii kor lagu qaadi lahaa Hufnaanta shaqada iyo xirfada shaqaalaha.

Mudane Xaashi ayaa shaqaalaha u soo jeediyay in ay ka faa’idaystaan Casharada la siinayo loogana baahan yahay in uu qof waliba fahan guud ka haysto nidaamka PFMIS qeybaha Cashuuraha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Sweden ee Soomaaliya[Sawirro]

GAROOWE- Kulan dhex maray Madaxda Wasaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern ayaa laysku waydaarsaday warbixino kala duwan, waxaana laysku afgartay dhammaan wax yaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagatay Maxjarada magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Maxjarada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka Maxjarada, Dhakhaatiirta iyo Ganacsatada ku hawlan dhoofka Xoolaha.

Mas’uulyiinta Maxjarada ayaa Wasiirka uga warbixiyey Xoolaha soo gala Maxjarada loona diyaarinayo sidii loogu iib gayn lahaa wadamada ay dowladda Puntland xiriirka dhow leeyihiin.

Waxaa xusid mudan in Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni uu kusimaha Maxjarada u magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqday koobaha lagu naaxiyo Xoolaha laguna baaro caafimadkooda xili ay shaqooyinkii maalinlaha ah ka socdeen Maxjarada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (7)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Laantiisa gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqday Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Bangiga, waxana ay ka wadahadleen shooqyinka socda ee Bangigu wado ee horumarka laga sameeyey.

Intii uu Wasiirka kormeerka ku jiray sidoo kale waxa uu booqaday Xafiiska xisaabaadka gobolka Bari, waxana halkaasi kusoo dhaweeyey Warbixina ku siiyey Xisaabiyaha Gobolka Bari Maxamed Cali Madoobe iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Yuusuf Maxamed Yuusuf Iyadoo ay kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa soo xaraynta dakhliga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kormeeray qaybta dhismaha cusub oo loo diyaarinaayo si casri ah isagoo Warbixino ka dhageystay Eng Maxamed Cabaas Siciid Jibriil Maamulaha Guud ee Shirka JIBCCON oo wada dhismaha.

Dhismahan oo ah mid Casri ah laguna dhisay cashuurtii shacabka laga qaaday Dowladduna hirgelisay ayaa dhowaan la filayaa in la daahfuro.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More