GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada. Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda […]
GAROOWE – Madasha la latashiga Dadwayanaha ee Miisaaniyadda Dowladda Puntland 2025 ayaa ka furmay hoolka shirarka ee Martisoor Hotel Garoowe. Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo bulshada Rayidka ah qaybaheeda kala duwan. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
GAROOWE – Ciidamada ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal oo muddo ku jiray tababar ayaa ugu dambayn loo soo gabagabeeyey. Tababarkan waxaa Ciidamada u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Hoggaanka Ciidamada ilaalada Cashuuraha Puntland iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada cashuuraha gobolka Nugaal. Ciidamada ayaa qaatay aqoon ku aadan ilaalinta cashuuraha iyo […]
QARDHO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa safar iyo kormeer shaqo kusoo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Kormeerka wasiir ku xigeenka ayaa salka ku hayey dardargalinta dakhliga iyo horumarinta goobaha shaqada Wasaaradda si wax badan looga ogaado shaqada ay hayaan Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu. Xisaabiyaha Wasaaradda […]
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland. Waxaa Shir Guddoomiyey kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada […]
BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda. Labadan doonyood ayaa laga leeyahay dalka Yeman sifo sharrci darro ahna uga Kalluumeysanayay Xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raasa-Casayr. Agaasimaha Guud ayaa la hadlay […]
GAROOWE – Kulanka la Xisaabtanka Madaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari iyo Guddiga Goobta Shaqada ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada. Guddoomiyaha Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir guddoomiyey kulan u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka […]
GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar. Kulanka waxaa shir Guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada laguna qabtay xarunta Wasaaradda. Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga gobolka Karkaar ayaa […]
GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda ayaa kulan la yeeshay Xisaabiyaha, Maamulaha Furdooyinka, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug. Kulanka ayaa ku aadanaa saxida shaqada dakhliga gobolka Mudug oo hory warbixin uga soo gudbiyeen Madaxda Hantidhowrka Gudaha […]
BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo uu weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Garoonka iyo xarunta Cashuuraha Berriga. Kormeerka shaqo ee Wasiirka iyo Wasiirudowlaha waxaa ku weheliyey mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirada ayaa ugu horayn booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ay halkaasi kula kulmeen […]