Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xariga ka jaray dhismaha Bangiga Dowladda Laantiisa magaalada Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bangiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha Maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.
“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland oo uu kamidyahay Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda, Masuuliyiinta Bangiga Dowladda, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

































EYL – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo safar shaqo ku tagay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa dhagax dhigay dhismaha










































GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta gugdoomiyey shir ay qayb kawada ahaayeen Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Dawladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay Iyo Shirkadda PITECH kaas oo looga hadlay sidii bangiyadu u fududayn lahaayeen






















GAROOWE – Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa yeeshay kulan lagu horumarinaayo cashuuraha Gaadiidka Gobolada Dowladda Puntland, kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliyadda.

























GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda.






















GAROOWE
































Baahintii 
Baahintii 



















GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinayaan ansixinta Miisaniyadda Dowladda 2025 oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).
Miisaaniyadda 2025 ayaa horay Madaxda Wasaaraddu ula wadeegeen bulshada Puntland in ay door ku yeeshaan Golaha Xukuumadduna markii la hor geeyey isku raaceen, ugu dambayna maanta Golaha Baarlamaankuna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.