Madaxa Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Ciidanka Illaadda Wadooyinka Taraafikada[Sawirro]
GAROOWE – Madaxa Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Khaalid Maxamed ayaa maanta tababar u furay Ciidanka ilaalada Wadoooyinka ee Taraafikada.
Tababarka waxaa ka soo qayb galay Hoggaanka Guud ee Ciidamada ilaalada nabadgalyada G/sare Mudane Cabdifitaax Siciid Saleebaan, waxaana lagu baran doonaa mudada u socdo Badbaada Wadooyinka ,Adeegsiga nidaamka cusub oo online ah oo loogu talagaly in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Taraafikadu , waxaan ciidanka tababarka siinayay Shirkadda Badbaado Institute Center ee Badbaadada Gaadiidka.
Madaxa Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Khaalid Maxamed oo daah-furay Tababarkan ayaa ka hadlay ahmiyada ay u leedahay in ay ka faa’iideystan ciidanka ilaalada wadooyinka casharada ay qaadanayaan mudada tababarku socdo.
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa wada dadalo kor loogu qadayo aqoonta ciidanka ilaalada Cashuuraha iyo kuwa Nabadgalyada Wadooyinka si kor lagu qado Cashuuraha Gaadiidka dalka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland