Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Guddiga dib u saxida Shaqaalaha Dowladda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u saxida shaqaalaha Dowladda Puntland.

Guddiga ayaa ah mid uu horay u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, waxana hoggaaminayay Wasiir Kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha iyo arrimaha bulshada ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Faarax Jaamac boos.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Agaasime Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mukhtaar Xassan Maxamed, Madaxa shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Muna Yaasiin Cali iyo mas’uulyiin ka socday Madaxtooyada, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo shaqaalaha rayadka ah.

Guddiga ayaa Wasiirka uga mahad celiyay sida ay Wasaaradda ugu soo dhoweeyeen,  waxana ay la wadaageen Wasiirka halka ay marayso shaqooyiinkii loo igmaday, waxaana ay Wasaaradda ka cod sadeen in ay la wadaagaan  xogta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn madaxda Wasaradda maaliyadda ayaa gudiga la wadaagay xogta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska  Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland