Category: News

1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shirkadda TTN kala wareegtay dhismayaal ay hirgelisay Wasaaraddu[Sawirro]

GARACAD – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah shirkada TTN u gala wareegtay dhismayaal cusub oo ay Wasaaraddu ka hirgelisey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Dhismayaashaan oo ay maalgelisey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka kooban xafiisyo ay ku shaqayn doonaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ka howlgelaya dekedda Garacad.

Heshiiska wareejinta dhismayaasha oo ka dhacay gudaha dekedda ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed iyo Maareeyaha mashruuca dhismaha dekedda Garacad ee shirkadda TTN Cevat Ballanli.

Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa xusay in dhismayaashaani ay dabooli doonaan baahidii shaqo ee dekedda ayna dhowaan qalabayn doonaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekeda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo hawlo shaqo ku marayey gobolka Mudug ayaa booqaday Dekeda Garacad.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekeda Cabdinaasir Biixi iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ayaa booqaday goobaha shaqada, waxaana uu la kulmay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Isaga oo ku dhiiri geliyey in ay kor u qaadaan dadaal kooda shaqo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday dhisme cusub oo ay Wasaaradda Maaliyadu ka hirgalisay Dekeda Garacad, dhismahan ayaa loogu talagay in ay xarumo u noqdaan Hay’adaha dowladda ee ka hawlgalaya Dekeda ayna dhisty shirkada TTN, waxana shirkada kala wareegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

Booqashada dekadda Garacad ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Waaxda furdooyinka, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqaday Maxjarka naaxinta xoolaha ee laga hirgaliyay dekeda Garacad.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastmaada Xarfo Iyo Bacaad-wayn[Sawirro]

XARFO – Kastamada xaqiijinta Cashuuraha ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay degmadda Xarfo iyo Bacaad-wayn, waxaa safar shaqo ku tagey Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

Kormeerka shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug, Agaasimaha kastamada furdooyinka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxda goobaha shaqada ayaa warbixin la wadaagay Wasiirka xog-taasi oo ku aadan Habka Dakhli xaraynta, habsami u socodka shaqada iyo caqabadaha jira ee u baahan sidii loo xalin lahaa.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa su’laalo dheeri ah waydiiyey mas’uuliyiinta goobaha uu booqday kuna aadan xogta shaqaalaha iyo dhaq dhaqaaqyadii dakhli ee ugu dambeeyey, Wasiirkana loo bandhigay dhamaann xogtaasi.

Ugu dambayn Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Madaxda iyo shaqaalaha goobaha uu booqaday kula dardaarmay dadaal shaqo iyo dakhliga oo kor u kac sameeya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (30)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo gaaray degmada Galdogob[Sawirro]

GALDOGOB – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaraaray degmada Galdogob.

Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug, Maamulaha Furdooyinka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Koormerka shaqo ee Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee uu ku marayo gobolka Mudug iyo gobolada kale ee dalka ayaa salka ku haya sidii wax badan looga ogaan lahaa xogta shaqada iyo shaqaalaha loona xalin lahaa caqabadaha ka jira goobaha shaqada.

Eng.Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiirka ayaa booqaday xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Galdogob iyo Kastamka Tuurdibi, waxaana uu warbixino shaqada la xiira Wasiirka la wadaagay mas’uulyiinta Wasaaradda ee degmada Galdogob.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqaday Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Ddegmada Bursaalax iyo Daaraslam kana tirsan gobolka Mudug lana kulmay Madaxda goobaha shaqada.

Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil oo la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda goobaha dakhli soo xeraynta ee gobolka Mudug.

#baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tagay magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddd Maliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagey magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka oo ka duulaya siyaasada horumarinta iyo dardargelinta shaqada ayaa kormeer ku tagey xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Gaalkacayo, waxaana halkaasi Ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey iyo maamulayaasha Dakhliga gobolka Mudug.

Xisaabiyaha ayaa warbixin Wasiirka ka siiyay dakhliga gobolka, xogta shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala gobolka iyo caqabadaha ku xeeran goobaha shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Eng.Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ayaa sidoo kale booqaday goobaha dakhliga soo xereeya xilli ay halkaasi ka socdeen shaqo maalmeedkii cashuuraha.

Koormerka ayaa ahaa mid loogu kuurgelayo warbixinada shaqo iyo shaqaale si kor loogu qaado xiriirka shaqaalaha iyo dardargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga, bulshada Puntlandna ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtey.

Baahintii

Xaafiska wacyi-galinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Hor-tagay Gollaha Baarlamaanka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – GolLaha Baarlamaanka Dowladda Puntland waxaa hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo Agaasime guud ku-xigeenada Dakhliga.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada ayaa shir guddoomiyey kulanka oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad iyo ku-xigeenka 2-aad ee Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Hor-imaanshaha Gollaha ee Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa salka ku haysa hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland oo ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Gollaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Golluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Gollaha Wakiillada.

Xildhibaannada Gollaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Gollaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Golluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Gollahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Kulanka waxaa ku waheliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda,Wasiir ku-xigeenka Wasaradda,Wasiir ku-xigeen Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasime guud Ku-xigeenada Dakhliga.

Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa shaqada Wasaaradda loona xoojin laha hannanka shaqogalka shaqaalaha, kor u qaadista dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Intii uu socaday shirka waxaa si weyn diirada loo saaray horumarinta shaqada ee laga sameeyey Dhammaan gobolada, xalinta caqabadaha jira iyo in la qaado isku duubni, dakhligana kor loogu qaado.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiirka Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa si wada jir ah cod dheer ugu sheegay shaqaalaha in la muujiyo dadaal shaqo oo ku aadan dhammaan Goballada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaqaalaha iyo Shacabka Puntlandba u sheegay in ay Ilaahay hortii ka ballan qaadeen adkaynta ammaanada ay u hayaan bulshada Puntland si qaldana aan loo adeegsan doonin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shaqaalaha la wadaagay in 8 Mashruuc oo dhowaan uu saxiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland laga sugayo kharash keeda in ay soo saaraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo dakhli abuur.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si looga shaqeeyo horumarinta adeegyada bulshada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (25)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shirka Xisaabiyasha goboladda ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa shir guddoomiyay shirka Xisaabiyasha goboladda ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasime ku-xigeenka Dakhliga.

Ujeedka Shirka ayaa ah in si guud looga hadlay xisaab xirada iyo nidaamka xisaab celinta waxaana ka soo qayb galay dhammaan Xisaabiyaasha gobalada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa warbixin guud ka siiyay madaxda sida ay u socoto shaqada xisaabiyaasha gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xisaabiyasha gobalada faray in loo baahan yahay in si dhab ah loo dul istaago dakhliga xareynta,isagoo sheegay in gobol waliba looga fadhiyo dakhligii loogu talagay in ay soo xareeyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Caddaaladd, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Dowladda Puntland oo shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Madaxda labada Wasaaradood Maaliyadda iyo Caddaaladd, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, WCaddaaladd, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta,
Wasiir Kuxigeenka Caddaaladda ,Wasiir Kuxigeenka dakhliga, Agaasimayaasha guud ee labada Wasaaradood, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda , sharciyaqaanada labada Wasaaradood iyo Guddiga isku dhafka ah ee horumarinta Arrimaha Nootaayooyinka Dowladda Puntland iyo mas’uulin kale.

Kulanka ayaa Guddiga Arrimaha Nootaayooyinku ugu soo bandhigeen Madaxda labada Wasaaradood warbixinta kormeerka Nootaayooyinka degmada Garoowe , sidoo kale Madaxda labada Wasaaradood ayaa falan-qayn dheer ka yeeshay sidii labada Wasaaradood u dardar galin lahaayeen ugana wada shaqayn lahayeen horumarinta iyo tayaynta mihnada Nootaayooyinka dalka.

Shirka ayaa la isku raacay in labada Wasaaradood mid walba doorkeeda qaadato tallo soo jeedinada guddiga laga wada shaqayeeqo sidii loo hirgalin lahaa.

Ugu dambayn shirka oo noqday mid laga gaaray guulo wax ku ool ah ayaa loo ballamay kulamo dambe oo lagu dhameystiri doono shaqooyinka harsan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa daahfuray kulan ay yeesheen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin
sidii loo dhaqan galin lahaa Miisaaniyadii dhowaan ay ansixiyeen Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Dardargalinta dakhliga iyo sidii loo soo xerayn lahaa dakhliga Miisaaniyadda ku jira Agaasimayaasha Wasaaraduhuna qayb tooda uga qaadan lahaayeen.

U diyaar garowga, soo dalbashada miisaaniyadda 2025-ka Agaasimayaasha guud qorshayaashooda iyo dalbkooda sidii ay u keensan lahaayeen.

Sidii dib u hayn loogu samayn lahaa adeegyada Dowladda ee ay soo dalban jireen Wasaaraddaha Dowladdu iyadoo laga duulayo, talo soojeedinta Hantidhawrka Guud ee Dawladda.

Dhammaan qodobadan ayaa Agaasimayaasha Wasaaraduhu si wayn uga doodeen sida ugu dhow ee looga shaqayn karo hawla horyaala.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More