XARFO – Kastamada xaqiijinta Cashuuraha ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay degmadda Xarfo iyo Bacaad-wayn, waxaa safar shaqo ku tagey Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Kormeerka shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug, Agaasimaha kastamada furdooyinka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Madaxda goobaha shaqada ayaa warbixin la wadaagay Wasiirka xog-taasi oo ku aadan Habka Dakhli xaraynta, habsami u socodka shaqada iyo caqabadaha jira ee u baahan sidii loo xalin lahaa.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa su’laalo dheeri ah waydiiyey mas’uuliyiinta goobaha uu booqday kuna aadan xogta shaqaalaha iyo dhaq dhaqaaqyadii dakhli ee ugu dambeeyey, Wasiirkana loo bandhigay dhamaann xogtaasi.