News Somali News August 4, 2024 / Osman Turabi / 0 Comments Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tagay magaalada Gaalkacyo[Sawirro] GAALKACYO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddd Maliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagey magaalada Gaalkacyo.Wasiirka oo ka duulaya siyaasada horumarinta iyo dardargelinta shaqada ayaa kormeer ku tagey xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Gaalkacayo, waxaana halkaasi Ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey iyo maamulayaasha Dakhliga gobolka Mudug.Xisaabiyaha ayaa warbixin Wasiirka ka siiyay dakhliga gobolka, xogta shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala gobolka iyo caqabadaha ku xeeran goobaha shaqada Wasaaradda Maaliyadda.Eng.Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ayaa sidoo kale booqaday goobaha dakhliga soo xereeya xilli ay halkaasi ka socdeen shaqo maalmeedkii cashuuraha.Koormerka ayaa ahaa mid loogu kuurgelayo warbixinada shaqo iyo shaqaale si kor loogu qaado xiriirka shaqaalaha iyo dardargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.Ugu dambayn Wasiirka ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga, bulshada Puntlandna ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtey.BaahintiiXaafiska wacyi-galinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland