Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo gaaray degmada Galdogob[Sawirro]

GALDOGOB – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaraaray degmada Galdogob.

Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug, Maamulaha Furdooyinka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Koormerka shaqo ee Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee uu ku marayo gobolka Mudug iyo gobolada kale ee dalka ayaa salka ku haya sidii wax badan looga ogaan lahaa xogta shaqada iyo shaqaalaha loona xalin lahaa caqabadaha ka jira goobaha shaqada.

Eng.Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiirka ayaa booqaday xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Galdogob iyo Kastamka Tuurdibi, waxaana uu warbixino shaqada la xiira Wasiirka la wadaagay mas’uulyiinta Wasaaradda ee degmada Galdogob.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqaday Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Ddegmada Bursaalax iyo Daaraslam kana tirsan gobolka Mudug lana kulmay Madaxda goobaha shaqada.

Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil oo la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda goobaha dakhli soo xeraynta ee gobolka Mudug.

#baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland