GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray xafiisyada kale duwan ee xarunta dhex ee Wasaaradda.
Kormeerka ayaa ahaa u kuurgalida habka shaqada xarunta dhex, waxana uu booqaday Wasiirku dhammaan xafiisyada kala duwan ee xarunta isagoo madaxda xafiisyada ka dhageystay qaabka shaqada maalinlaha ay u wadaan.
Wasiirka ayaa faray Madaxda xafiisyada u booqday in loo baahan yahay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan hufnaan shaqo.
Tababarkan ayaa shaqaaluhu ku baran doonaan waxa afka-qalaad loo yaqaan Procurement (Iibka) wuxuuna socon doonaa 6 cisho waana tababar muhiim u ah dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Qaar ka tirsan shaqaalaha tababarka loo qabanayo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo qabto tababarkan Procurement (Iibka).
Agaasimaha ayaa shaqaalaha tababarka loo qabanayo ee Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ay ka faa’idaysataan aqoonta muhiimka ah ee la bari doono.
Tababarka ayaa waxaa loo qabtay Shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Inta u socdo tababarka ayaa waxaa shaqaalaha Lagu baridoonaa, hannaanka ururinta Cashuurta Shaqaalaha (Corporate Payroll Collection System), ujeedka ayaa ah sidii kor lagu qaadi lahaa Hufnaanta shaqada iyo xirfada shaqaalaha.
Mudane Xaashi ayaa shaqaalaha u soo jeediyay in ay ka faa’idaystaan Casharada la siinayo loogana baahan yahay in uu qof waliba fahan guud ka haysto nidaamka PFMIS qeybaha Cashuuraha.