Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Habka casriga ah ee lacag bixinta Cashuurta Gaadiidka[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta gugdoomiyey shir ay qayb kawada ahaayeen Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Dawladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay Iyo Shirkadda PITECH kaas oo looga hadlay sidii bangiyadu u fududayn lahaayeen habka casriga ee lacag bixinta cashuurta gaadiidka.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,
Agaasime Ku-xigeenka guud ee Bangiga, Xisaabiyaha gobalka Nugaal Iyo Agaasime waaxeedyada Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu dambayn kulanka ayaa la isla qaatay inay bangiyada gaarka loo leeyahay ay doorkooda ka qaataan nidaamka ay Wasaaradda Maaliyadu ku fududaynayso habka bixinta cashuurta gadiidka oo laga dhigi doono mid casri ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
























GAROOWE – Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa yeeshay kulan lagu horumarinaayo cashuuraha Gaadiidka Gobolada Dowladda Puntland, kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliyadda.

























GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda.






















GAROOWE































GAROOWE –
Baahintii 
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Hantidhawrka gudaha oo safar shaqo ku tagay gobalka Raas-casayr.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa ka qab galay kulan looga hadlay dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.


















GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinayaan ansixinta Miisaniyadda Dowladda 2025 oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).
Miisaaniyadda 2025 ayaa horay Madaxda Wasaaraddu ula wadeegeen bulshada Puntland in ay door ku yeeshaan Golaha Xukuumadduna markii la hor geeyey isku raaceen, ugu dambayna maanta Golaha Baarlamaankuna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan, oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa looga hadlay miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo
Baahintii