Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Horumarinta Cashuuraha Gaadiidka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa yeeshay kulan lagu horumarinaayo cashuuraha Gaadiidka Gobolada Dowladda Puntland, kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliyadda.

Axmed Jaamac Jowle Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir guddoomiyay kulanka, waxaana ka soo qayb galay Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Aggaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Hoggaanka Guud ee Ciidamada ilaalada nabadgalyada wadooyinka, Xisaabiyaha Wasaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, Agaasimaayaasha waaxyaha labadaWasaaradood iyo madaxda Shirka kada PIITECH.

Aggasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa uga mahad celiyey dhammaan Mas’uulyiintii ka soo qayb galay kulankan oo ah mid muhiim ah dakhligana kor loogu qaadayo.

Kulankan ayaa looga hadlay Dardargalinta cashuuraha gaadiidka lagana hirgelinaayo  dhammaan Gobolada Puntland, Casriyeyn lagu samayndoono qaadista Canshuuraha gaadiidka loona badelaayo App online ah, samaynta Laysan wadida Gaadiidka iyo ganaaxyada jebinta sharciyada wadooyinka Dalka.

Ugu dambayn shirkan ayaa laysku afgartay in laga wada shaqeeyo horumarinta iyo nidaaminta wax yaabihii laga wada hadlay ka hor Sanada 2025 oo la daahfuridoono hadii alle idmo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland