Taliye Kuxigeenka Booliska Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE  – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalinta Cashuuraha gobolka Nugaal.

Xirtaanka tababarka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda,

waxaana goob-joog ahaa Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal,  Hoggaanka guud ee Ciidamada ilaalada cashuuraha Puntland,Maamulaha Cashuuraha Gobolka Nugaal , Taliyaha laanta ilaalada cashuuraha Gobolka Nugaal iyo sarakiil katirsan Booliska.

Taliyaha  ciidamada ilaalada Cashuuraha ayaa ka warbixiyay tababarka mudada uu socday casharada ay qaateen Ciidanku, isagoo sheegay in ciidanka loo tababaray sidii loola dhaqmi laha bulshada ay canshuurta ka qadaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jama Jowle ayaa u mahad-celiyay saraakiisha ciidanka cashuuraha isago xusay in loo baahan yahay in ciidanku ay labo jibaraan shaqada lana rabo in la dareemo koror Dakhliga.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur oo soo xiray tababarka ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay in kor loo qado aqoonta ciidanka ilaalada Cashuuraha, lana rabo in aqoonta ay barteen Ciidamadu ku shaqo galaan ayna kor u qadan wax soo sarka dhanka Dakhliga iyagoo kaashanay  aqoonta ay barteen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland