Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Habka casriga ah ee lacag bixinta Cashuurta Gaadiidka[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta gugdoomiyey shir ay qayb kawada ahaayeen Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Dawladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay Iyo Shirkadda PITECH kaas oo looga hadlay sidii bangiyadu u fududayn lahaayeen  habka casriga ee lacag bixinta cashuurta gaadiidka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,

Agaasime Ku-xigeenka guud ee Bangiga, Xisaabiyaha gobalka Nugaal Iyo Agaasime waaxeedyada Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn kulanka ayaa la isla qaatay inay bangiyada gaarka loo leeyahay ay doorkooda ka qaataan nidaamka ay Wasaaradda Maaliyadu ku fududaynayso habka bixinta cashuurta gadiidka oo laga dhigi doono mid casri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland