434941248_965986254883717_1577175991367451041_n

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uga warbixiyey qorshaha dardargelinta dakhliga iyo shaqooyinka kale hannaanka Maaliyada lagu horumarinayo.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Madaxtooyada ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (30)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daahfurtay Nidaamka TSA ee Hay’adaha Dowladda[Sawirro]

GAROOWE – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliayadda ugu daah-furay 7 Wasaaradood iyo 3 hay’adood nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS.

Kulanka Xisaabiyaha waxaa ku weheliyey ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha, agasimayaaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Ha’adaha tobanka ah, khubarada xafiiska xisaabaadka guud iyo gudugii gacanta ku hayay hirgalinta barnaamijkan.

Barnaamika hirgelinta nidaamka Khasanada Midaysan (TSA)waxaa loo qabay Wasaaradda iyo Hayadaha kala ah-
1. Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka
2. Wasaaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda
3. Wasaaradda Wasaaradda Amriga iyo DDR ta
4. Wasaaradda Wasaaraddda Hawlaha guud iyo Guriyeynta
5. Wasaaradda Warfaafinta
6. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
7. Wasaaradda Ganacsiga
8. Hayadda Xuquuqul Insaanka
9. Hay’adda la dagaalanka AIDS ka
10. Hay’adda Maaraynta Xogta Biyaha iyo Dhulka.

Nidaamka maaraynta maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dawlada ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan Ee Dawladda (Treasury Single Account).

Xisaabiyaha Guud ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’aduhu ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaarada iyo Hay’ad walba si dhakhsa ahna u hirgaliyayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf ee magaalada Gaalkacyo.

Guddiga ayaa warbixino kala duwan ka dhagaysteen Maareeyaha garoonka diyaaradaha Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey.

Intii ay guddigu ku jireen kormeerka ayna ahayd xili shaqo waxay booqdeen xafiisyada xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug iyo goob horey lagu talagalay in laga dhiso Garoon diyaaradeed oo cusub kaas oo duleedka waqooyi kaga beegan magaalada Galkacyo.

Ugu dambayn Guddiga dardargelinta Ganacisga ayaa booqaday Wasaaradda Deegaanka xarunteeda magaalada Gaalkacyo
gudddiga daradargalinta ganacsiga Puntland ayaa dhawaan waxa magacabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni.

Baahinta

Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Guddi uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland ayaa gaaray magaaladda Garacad ee degmada Jariiban gobolka Mudug.

Guddiga oo ku sugan magaalada Garacad ee dagmada Jariiban ayaa waxay booqdeen Dekeda Garacad oo ay ka socdaan shaqooyinka dejinta badeecadaha ay wadaan doonyaha iyo maraakiibta ku suu xirtay Dekeda.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay booqdeen xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda, goobaha Xannaanada Xoolaha sida xarumaha Baarista iyo Maxjarka xoolaha ee Garacad.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta Dekeda Garacad, howlwaddeenada Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulayaasha maxjarka xoolaha ee Garacad.

Waxaa xusid mudan in gudigu horey u soo booqdeen Qardho iyo Booasaao.

Baahinta

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland

Read More
1 (14)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay goobaha Dakhli soo xareynta Wasaaradda ee gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacisga Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddiga Dardargalinta dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha dakhliga soo xeraynta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Wasiirka iyo Guddiga waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale.

Maamulaha Furdooyoinka Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyey shaqooyinka cashuurista badeecadaha soo dega iyo kuwa ka dhoofaya Dekeda , waxana Wasiirku booqday xafiisyada Wasaaradda.

Sidoo kale Wasiirka iyo Guddiga ayaa booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka Diyaaradaha xili ay halkaasi ka socdeen shaqooyinkii cashuurista badeecadaha ay wadaan Diyaaradaha xamuulka.

Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland ayaa Boosaaso u joogaa xogo ku aadan dardargalinta Ganacisga Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (43)

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Xafiisyadda Wasaaradda ee xarunta Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada Wasaaradda ee xarunta dhexe Garoowe.

Ujeedka kormeerka ee xafiisyada ayaa ahaa in uu Wasiirku wax ka ogaado shaqooyinka socda, caqabadaha Xafiisyada ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jaamac Jowle ayaa wasiirka warbixin guud ka siiyay qaabka ay u kale shaqeeyaan Xafiisyada kale duwan ee Wasaaradda iyo shaqaalaha ka howlgala shaqooyinka ay qabtaan.

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil ayaa shaqaalaha Wasaaradda ku booriyay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qaabka shaqada ay u wadaan, sidoo kale waxaa u sheegay in loo baahan yahay in qof waliba waajibad iska saaro shaqada uu u hayo bulshada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (11)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ganacasatada gobolka Bari.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Dowladda iyo ganacsatada ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo wax soosaarka sidii kor loogu qaadi lahaa.

Intii uu socday sidoo kale kulankan waxaa si wayn looga dooday wax soosaarka dalku ubaahan- yahay, sida loo maalgelinkaro, sida bulshadu uga faa’idaysan karto iyo sidii Puntland u gaari lahayd isku filaansho dhaqaale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (13)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday Labada Maxjar ee Xoolaha ee Boosaaso, waxana ay kulan la qaateen Maamulka Maxjarada oo Guddiga xog ka siiyey habsami u socodka shaqada iyo tayada Xoolaha.

Guddigu intii ay ku sugnaayeen Maxjarada waxa ay booqdeen, Goobaha Xannaanada Xoolaha dhoofka, Xarumaha Baarista iyo Xafiisyada Maamulka Maxjarada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni isagoo ka duulaya Barnaamijka wax-qabadka Xukuumadda ee Horumarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta dhaqaalaha ayuu dhowaan Magacaabey Guddigan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (27)

SAWIRRO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

GAROOWE – Xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ay higsanaysaa dib u casriyeynta xarumaha shaqada Dowladda dhammaan gobolada dalka si bulshadu u helaan xarumo horumarsan.

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadduna waxa ay qayb ka tahay xarumaha dib u casriyayta lagu sameeyey.

Dhismaha xarumaha Dowladdu waxa ay ku yimaadeen ka dib markii Bulshada Puntland cashuuraha ku waajibay ay bixiyeen.
Fadlan muwaadin bixi cashuurta si aynu uga shaqayno dib u dhiska dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (47)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Dakhliga ee Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaardda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta kormeer shaqo Ku tagey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna halkaasi Ku kormeereen xafiisyada kala duwan ee heer gobal iyo xarunta dhexe ee Dakhlig.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga,Agaasimayaasha waaxyaha, Xisaabiyayaasha gobaladda Nugaal iyo Sool, Madaxda kala duwan ee xarunta, waxayna dhamaantood wasiirka warbixin kasiiyeen habsami u socodka shaqada siiba kor u qaadista dakhliga iyo yoolasha la hiigsanaayo.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalka shaqo ee ay gacanta Ku hayaan, isla markaana ay mar walba keenaan aragtiyo cusub oo dakhliga lagu hormarinaayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More