Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Xafiisyadda Wasaaradda ee xarunta Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada Wasaaradda ee xarunta dhexe Garoowe.

Ujeedka kormeerka ee xafiisyada ayaa ahaa in uu Wasiirku wax ka ogaado shaqooyinka socda, caqabadaha Xafiisyada ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jaamac Jowle ayaa wasiirka warbixin guud ka siiyay qaabka ay u kale shaqeeyaan Xafiisyada kale duwan ee Wasaaradda iyo shaqaalaha ka howlgala shaqooyinka ay qabtaan.

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil ayaa shaqaalaha Wasaaradda ku booriyay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qaabka shaqada ay u wadaan, sidoo kale waxaa u sheegay in loo baahan yahay in qof waliba waajibad iska saaro shaqada uu u hayo bulshada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland