Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay goobaha Dakhli soo xareynta Wasaaradda ee gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacisga Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddiga Dardargalinta dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha dakhliga soo xeraynta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Wasiirka iyo Guddiga waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale.

Maamulaha Furdooyoinka Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyey shaqooyinka cashuurista badeecadaha soo dega iyo kuwa ka dhoofaya Dekeda , waxana Wasiirku booqday xafiisyada Wasaaradda.

Sidoo kale Wasiirka iyo Guddiga ayaa booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka Diyaaradaha xili ay halkaasi ka socdeen shaqooyinkii cashuurista badeecadaha ay wadaan Diyaaradaha xamuulka.

Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland ayaa Boosaaso u joogaa xogo ku aadan dardargalinta Ganacisga Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland