Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday Labada Maxjar ee Xoolaha ee Boosaaso, waxana ay kulan la qaateen Maamulka Maxjarada oo Guddiga xog ka siiyey habsami u socodka shaqada iyo tayada Xoolaha.

Guddigu intii ay ku sugnaayeen Maxjarada waxa ay booqdeen, Goobaha Xannaanada Xoolaha dhoofka, Xarumaha Baarista iyo Xafiisyada Maamulka Maxjarada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni isagoo ka duulaya Barnaamijka wax-qabadka Xukuumadda ee Horumarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta dhaqaalaha ayuu dhowaan Magacaabey Guddigan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland