1 (1)

Madaxda Maaliyadda Puntland iyo Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha Iyo Xisaabaadka Baarlamaanka oo kulan ku yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Gollaha Wakiilladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda ee Guddiga la kulamay waxaa ka mid ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimeyaasha waaxyaha qaybo ka mid iyo Mas’uulyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee la kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollaha ayaa la waydiiyey su’aalo la xiriira Miisaaniyadda Dowladda oo dhowaan la hor geeyey Gollaha, mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadduna uga jawaabeen dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen Guddigu.

Waxaa xusid mudan in Guddiga Maaliyada,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollahu ay akhriskii 2-aad ku sameeyeen Miisaaniyadda 6-da bilood (June-December) 2024 Gollaha guud ee Baarlamaankana hortaalo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo dhul kala wareegtay Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa dhul kala wareegtey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland.

Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa gaaray wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiirudowlaha Wasaaradda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mmas’uulyiin kale ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha si ay dhulkaaasi ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

Ku wareejinta dhulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa timi ka dib markii Kastamka Wasaaraddu u baahday goob lagu xafido alaabada kaargooga ee Cashuurista ka daahay taasi oo baahi wayn Wasaaradda u qabtay.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Mudane Cabdulaahi Bile Nuur ayaa Wasiirka Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ku wareejiyay dhulkan.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa uga mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada bixinta dhulkan, waxana uu ballan qaaday in ay si dhakhso ah u dhisi doonaan hadii alle idmo.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (20)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgaysay Misaaniyadda June-December,2024[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Gollaha Baarlamaanka Puntland horgaysay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan,sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar).

Gollaha waxaa shir Guddoomiyey Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku xeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo Mas’uulyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Gollaha, waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dowladda Sannadka ee lixda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31,2024.

Xildhibaannada Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024.

Waxaa xusid mudan in miisaaniyaddu korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (17)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Dardargelinta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga dardargelinta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka kulanka waxaa ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi.

Guddiga kicinta dakhliga ayaa loo diray gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug, Guddigaasi oo ka shaqaynayey kor u qaadista dakhliga, abuurista ilaha dakhli ee aan la qaadin iyo daboolida dakhliyada aan loo qaadin sidii saxda ahayd.

Safarkii gobolada iyo shaqooyiinkii ay soo qabteen guddigaasi waxa ay la wadeegeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyagoo dhammaana shaqooyinkii ay u baxeen ka soo hooyiyey guulo wax ku ool ah.

Waxa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka go’an tahay dardar gelinta dakhliga iyo in kormeer joogta ah lagu sameeyo goobaha Dhakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Dakhliga Iyo Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa yeeshay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Guddoomiyaha hHanti-dhowrka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Mmas’uulyiin kale.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta dakhliga iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda Dowladda ee ay maamulaan Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay xog ku aadan wada shaqaynta labada dhinac si loo helo hufnnaan shaqo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta hantida ummadda, ka Wasaarad ahaana ka go’an tahay ku dhaqanka Miisaaniyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Kormeerka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Maamulaha furdooyinka gobolka Bari iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Kastamka, waxaana uu Maamulahu xog ka siiyey Wasiirka shaqooyinka maalin laha ah ee ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu kuna aadan cashuurista badeecadaha ka dhoofaya kana soo dega Garoonka ee ay wadaan Duulimaadyadu.

Wasiirka iyo mas’uulyiinta kale ee Wasaaradda ayaa booqday Xafiisyada Kastamka Wasaaradda iyo qaybaha kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Ugu dambayn Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga, bulshada cashuur bixiyaha ahna la soo dhoweeyo.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (12)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Guddiga Maaliyadda&Xisaabaadka Baarlamaanka Puntland oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Guddiga ayaa Madaxda Wasaaradda wax ka waydiiyey Dakhliga iyo wax soosaarka, Miisaaniyadda Dowladda, bixinta kharashka Dowladda iyo su’laalo kale dhammaana Madaxda Wasaaraddu uga war bixiyeen Guddiga.

Ugu dambayn madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka ayaa isku afgartay dhammaan wax yaabihii looga wada hadlay Kulankaasi.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Hawlo shaqo u jooga Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kulamo lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda ku qabtay xarunta Cashuuraha Berriga gobalka Bari.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Mmas’uulyiin kale oo ka tirsan xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulan dhex maray mas’uulyiinta Wasaaradda ayaa looga wada hadlay dib u habayn lagu sameeyey Cashuuraha iyo Xafiisyada Dhakhliga gobolka Bari sidii loo horumarin lahaa.

Intii uu socday kulanka ayaa si wayn looga dooday dakhliga gobolka, Caqabadaha jira iyo sidii loo hirgelin lahaa ilo dakhli oo ay ka mid yihiin cashuuraha aan weli la qaadin balse u baahan sidii loo socod siin lahaa iyo sidii ganacsatadu u taageeri lahaayeen.

Waxaa xusid mudan in Gudigan kor u qaadida dakhliga ay magaalada Boosaaso ku sug naayeen mudo todobad ah, waxaana hoggaaminayey Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan dhammaana shaqooyinkii la qabtayna guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Iyo Cashuuraha Berriga gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wafti u hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo hawlo shaqo u jooga m Bosaaso ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda iyo xarunta cashuuraha Berriga gobolka Bari.

Wasiirka waxaa kormeerkan ku weheliyey Agaasimaha guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimaha waaxda furdooyinka, waxaana Kastamka Furdada ku soo dhaweyay Maamulaha Furdada, waxaana uu Wasiirku kormeeray shaqooyinka ay wadaan shaqaalaha Wasaaraddu ee ku aadan cashuurista badeecadaha yimaada Dekada.

Sido Kale Wasiirka ayaa xafiisyadda kale duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dakada booqday iyado ay halkasi ka socdaan shaqada maalin laha ah.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxaa u tagey Xarunta Cashuuraha Berriga,waxaan u halkaas kulan kula yeeshay madaxda Cashuuraha gobolka Bari.

Kulanka uu Wasiirku la qaatay Maamulaha Cashuuraha Berriga iyo mas’uulyiin kale ayaa waxaa looga hadlay xoojinta kobaca Dakhliga,waxaan uu daba socdaa kulamo u wasiirka uu horay u la yeeshay Madaxada Cashuuraha gobolka Bari.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa faray madaxda Dakhliga in la rabo sidii loo xoojin lahaa kor u qaadida Dakhliga gaar ahaan wax soo saarka Cashuuraha Berriga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More