Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Iyo Cashuuraha Berriga gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wafti u hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo hawlo shaqo u jooga m Bosaaso ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda iyo xarunta cashuuraha Berriga gobolka Bari.

Wasiirka waxaa kormeerkan ku weheliyey Agaasimaha guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimaha waaxda furdooyinka, waxaana Kastamka Furdada ku soo dhaweyay Maamulaha Furdada, waxaana uu Wasiirku kormeeray shaqooyinka ay wadaan shaqaalaha Wasaaraddu ee ku aadan cashuurista badeecadaha yimaada Dekada.

Sido Kale Wasiirka ayaa xafiisyadda kale duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dakada booqday iyado ay halkasi ka socdaan shaqada maalin laha ah.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxaa u tagey Xarunta Cashuuraha Berriga,waxaan u halkaas kulan kula yeeshay madaxda Cashuuraha gobolka Bari.

Kulanka uu Wasiirku la qaatay Maamulaha Cashuuraha Berriga iyo mas’uulyiin kale ayaa waxaa looga hadlay xoojinta kobaca Dakhliga,waxaan uu daba socdaa kulamo u wasiirka uu horay u la yeeshay Madaxada Cashuuraha gobolka Bari.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa faray madaxda Dakhliga in la rabo sidii loo xoojin lahaa kor u qaadida Dakhliga gaar ahaan wax soo saarka Cashuuraha Berriga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland