Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Dardargelinta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga dardargelinta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka kulanka waxaa ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi.

Guddiga kicinta dakhliga ayaa loo diray gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug, Guddigaasi oo ka shaqaynayey kor u qaadista dakhliga, abuurista ilaha dakhli ee aan la qaadin iyo daboolida dakhliyada aan loo qaadin sidii saxda ahayd.

Safarkii gobolada iyo shaqooyiinkii ay soo qabteen guddigaasi waxa ay la wadeegeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyagoo dhammaana shaqooyinkii ay u baxeen ka soo hooyiyey guulo wax ku ool ah.

Waxa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka go’an tahay dardar gelinta dakhliga iyo in kormeer joogta ah lagu sameeyo goobaha Dhakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland