Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa gaaray wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiirudowlaha Wasaaradda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mmas’uulyiin kale ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha si ay dhulkaaasi ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.
Ku wareejinta dhulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa timi ka dib markii Kastamka Wasaaraddu u baahday goob lagu xafido alaabada kaargooga ee Cashuurista ka daahay taasi oo baahi wayn Wasaaradda u qabtay.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Mudane Cabdulaahi Bile Nuur ayaa Wasiirka Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ku wareejiyay dhulkan.
Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa uga mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada bixinta dhulkan, waxana uu ballan qaaday in ay si dhakhso ah u dhisi doonaan hadii alle idmo.