Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Dakhliga Iyo Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa yeeshay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Guddoomiyaha hHanti-dhowrka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Mmas’uulyiin kale.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta dakhliga iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda Dowladda ee ay maamulaan Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay xog ku aadan wada shaqaynta labada dhinac si loo helo hufnnaan shaqo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta hantida ummadda, ka Wasaarad ahaana ka go’an tahay ku dhaqanka Miisaaniyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland