Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Hawlo shaqo u jooga Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kulamo lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda ku qabtay xarunta Cashuuraha Berriga gobalka Bari.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Mmas’uulyiin kale oo ka tirsan xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulan dhex maray mas’uulyiinta Wasaaradda ayaa looga wada hadlay dib u habayn lagu sameeyey Cashuuraha iyo Xafiisyada Dhakhliga gobolka Bari sidii loo horumarin lahaa.

Intii uu socday kulanka ayaa si wayn looga dooday dakhliga gobolka, Caqabadaha jira iyo sidii loo hirgelin lahaa ilo dakhli oo ay ka mid yihiin cashuuraha aan weli la qaadin balse u baahan sidii loo socod siin lahaa iyo sidii ganacsatadu u taageeri lahaayeen.

Waxaa xusid mudan in Gudigan kor u qaadida dakhliga ay magaalada Boosaaso ku sug naayeen mudo todobad ah, waxaana hoggaaminayey Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan dhammaana shaqooyinkii la qabtayna guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland