Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa mas’uuliyiinta ka codsaday in gacan laga siiyo sidii ay Wasaaradda Maaliyadda uga caawin lahaayeen cashuurista mashaariicda ay bixiyaan kuna guulaystaan shirkadaha Soomaaliyeed iyo kuwa ajaaniibta ee ka hawl gala Puntland.
Mas’uulyiinta Hay’adda UNOPS ayaa dhankooda ballan qaaday in Wasaaradda Maaliyadda kala shaqayn doonaan cashuurista mashaariicda Socda ee ay wadaan iyo kuwa imaan doona wada shaqayn dhowna la yeelan doonaan.
GAROOWE- Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland ayaa kala saxiixday Heshiis ku aadan horumarinta ganacsiga, wadashaqaynta labada Wasaaradood iyo kor u qaadida dakhliga dowladda Puntland.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, saacdo koobana qaatay ayaa looga wada hadlay xogo badan oo ku aadan siidi loo horumarin lahaa heshiiskan una noqon lahaa mid guulo badan laga gaaro.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaa siixay Heshiis kan si uu u noqdo meel marah.
Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dowladda ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan Ee Dawladda (Treasury Single Account).
Xisaabiye ku xigeenka Guud ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka Pl-FMIS oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaarad iyo Hay’ad walba si dhakhsa ahna u hirgaliyayaan.
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Hadhimo Sharafeed saagootin ah u sameeysay mas’uuliyiintii loo soo gabagabeeyey tababarkii ku aadanaa dakhliga.
Munaasabada saagootinta waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga iyo mas’uulyiin kale.
Agaasime guud ku xeenka dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyey sida hufan ee ay u qateen tababarkii loo qabtay, waxana uu u rajeeyey shaqo wanaag iyo dakhliga oo kor loo qaado.
Mudane Mahdi Faarax Qambi Agaasimaha Furdooyinka Puntland oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay halkasi ayaa xusay in tababarkan uu watey laba faa’ido oo ay ka mid yihiin isbarasho iyo aqoon kororsi dhanka dakhliga ah.
Ugu Dambayn tii Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo kulankan ka hadlay ayaa la dardaarmay mas’uuliyiinta Dakhliga kuna dhiiri geliyey in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo, lagana sugaayo dakhligii lagu hormarin lahaa dalka.
GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed ayaa soo xiray tababar lagu baranayey kicinta cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka.
Xafladda oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Dakhliga, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Taliyaha guud ciidamada Booliiska, kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud Ku-xigeenada Wasaaradda, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud iyo mas’uulyiin kale.
Maamulayaasha dakhliga sagaalka gobol, Ciidamada ilaalada cashuuraha iyo Ciidamada nabadgalyada wadooyinka oo muddo seddex beri ah qaadanayey casharo la xiira Xeerka cashuuraha Berriga iyo Tacriifada furdooyinka ayaa ugu danbayntii ku guulaystay in la soo xero.
Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la baray aqoon badan oo la xiirta shaqooyinka ay bulshada u hayaan waxana bixinaayey macalimiin iyo Khabiiro ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo aqoon durugasana u leh kicinta dakhliga.
Dhinaca kale Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta Booliska iyo xeer ilaalinta ka codsaday in gacan laga siiyo siidii sharciga loo horgayn lahaa dadka cashuur diid ka ah si taalabo looga qaado.
Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska iyo ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dowladda ayaa ballan qaaday dhankooda in ay Wasaaradda Maaliyada gacan ka siin doonaan in sharciga la hor geeyo dadka cashuur diid ka ah.
Ugu dambayn dhammaan Madaxdii ka qayb gashay xaflada ayaa maamulayaasha dakhliga gobolada kula dardaarmay Casharadii ay qaateen laga dareemo xarumihii ay ka yimaadeen.