
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Cali Jaamac ayaa tababar u furay Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.
Tababarkan ayaa shaqaaluhu ku baran doonaan waxa afka-qalaad loo yaqaan Procurement (Iibka) wuxuuna socon doonaa 6 cisho waana tababar muhiim u ah dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Qaar ka tirsan shaqaalaha tababarka loo qabanayo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo qabto tababarkan Procurement (Iibka).
Agaasimaha ayaa shaqaalaha tababarka loo qabanayo ee Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ay ka faa’idaysataan aqoonta muhiimka ah ee la bari doono.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland





















![Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furtay Tababarka Cashuuraha Mushaharka Shaqaalaha[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/05/1-11-7-150x150.jpg)
![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Shirka Jihaynta Xukuumadda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/05/1-7-9-150x150.jpg)

