
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xariga ka jaray Dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda.
Xarunta cusub ee Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ah dhisme ka kooban saddex dabaq, waxaana markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998 ay Xisaabaadka Guud yeelanayaan xarun u gaar ah oo casri ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda oo lagu sameeyey dib-u-dhis ballaaran, laguna kordhiyey dhismayaal dheeraad ah.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.
Dhammaan dhismayaashan cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu hirgeliyey isku-tashi iyo cashuurta shacabka Puntland taas oo muujinaysa sida Dowladda Puntland uga go’an tahay horumarinta hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed ee dalka.
Waxaa xusid mudan in Dhismayaashan Wasaaradda Maaliyadda ay filsay Shirkadda Dhismaha ee GONDAGOIYE
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo hor tegay ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐ค๐ ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8157-150x150.jpeg)

