
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Lagu qabtay Kulan looga hadlay Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027[Sawirro]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir-guddoomiyay Kulankan la tashiga iyo Diyaarinta Miisaaniyadda.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka soo qeyb galay Mas’uulyiin ka socday Wasaaradaha iyo hay’ada Dowladda, kaas oo looga gol leeyahay in si wadajir ah looga wada hadlo xogta Miisaaniyadda.
Kulankan waxa uu muhiim u yahay in hay’adaha Dowladdu ay si cad u soo bandhigaan mudnaantooda iyo qorshayaashooda ku aadan Miisaaniyadda Dowladda.
Ugu dambeyntii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa hubin doonta soo-jeedimaha Qorsheyaashaas in ay waafaqsan yihiin Qorshaha guud ee Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
























![Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Booliska iyo Hay’adaha dakhliga[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/09/IMG_8328-150x150.jpeg)

