
Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland oo Kala Saxiixday Is-afgarad ku aadan Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga Dowladda Puntland ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad ku saabsan kor-u-qaadista dakhliga laga helo khayraadka badda iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah.
Is-afgaradkan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada Wasaaradood iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta iyo kobcinta dakhliga khayraadka badda, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo ka-hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah ee khatar ku ah khayraadka badda Puntland.
Munaasabadda saxiixa Is-afgaradka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiir-ku-xigeennada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.
Dowladda Puntland ayaa wada dadaal xoogan oo ku aadan kor qaadista dakhliga guud ahaan Gobolada dalka.

Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Lagu qabtay Kulan looga hadlay Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/09/IMG_8400-150x150.jpeg)

