Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo su’aallo laga weydiiyay Maamulka Dhaqaalaha Dowladda[Sawirro]
GAROOWE – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda.
Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha dhakhliga, kharashaadka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, qoondada caasimadda Garowe, lacagta horumarinta waxbarashada, canshuuraha, iyo ganaaxyada.
Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudnaan gaar ah siisay dayactirka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundooyinka, taas oo qayb weyn ka qaadatay fududeynta isu socodka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in mashruucyadani ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta deegaannada iyo isku xirka gobollada Puntland.
Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay arrimaha xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, ciidamada Dawladda, xuquuqda shaqaalaha, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaal lagu xoojinayo hufnaanta maamulka maaliyadeed.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay xooga saartay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadidda maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, iyo kalluumaysiga. Wasiirku wuxuu sheegay in la hirgeliyay nidaamyo taageeraya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo dhiirrigeliyo shaqo abuurka, loona yareeyo ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda.
Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa doodo iyo su’aalo ku saabsan warbixinta Wasiirka ku iftiimiyey muhiimadda ay leedahay joogteynta horumarka dhaqaalaha, xoojinta nidaamka dakhliga gudaha, iyo yareynta kharashaadka aan muhiimka ahayn.
Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulanka ku soo gabagabeeyey talooyin ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee Dawladda Puntland, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland



























GAROOWE –


QARDHO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hawlo shaqo u joogay magaalada Qardho ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Bangiga Dowladda Laanta Qardho.
Baahintii 
BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kor u qaaday u adeegida ganacsatada Puntland ee badeecadaha kala soodega kana dhoofiya Dekadda Boosaaso.
Baahintii 
GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxa hor yimid Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Gobolka Sool.
Baahintii 
GAROOWE – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobalka Nugaal ayaa maanta hor yimid Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda si wax looga weydiiyo khaladaadka dakhliga ee Hanti-dhowrka guduhu kasoo saaray gobalka Nugaal.






















GAROOWE –
Baahintii 
GAROOWE – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ahna Kusimaha Xisaabiyaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Xafiiska xisaabaadka guud.

















GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.
Baahintii 
GAROOWE – Madasha la latashiga Dadwayanaha ee Miisaaniyadda Dowladda Puntland
Kulankan waxaa ka qayb galay














































































































