Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uga mahadcelisay Baarlamaanka Puntland Ansixinta Miisaaniyadda July-December 2024[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinaysaa Ansixinta Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July ilaa -December) 2024. Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar). Dhowaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeeyey Gollaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024. […]

Madaxda Maaliyadda Puntland iyo Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha Iyo Xisaabaadka Baarlamaanka oo kulan ku yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Gollaha Wakiilladda Puntland. Madaxda Wasaaradda ee Guddiga la kulamay waxaa ka mid ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimeyaasha waaxyaha qaybo ka mid iyo Mas’uulyiin kale. Madaxda […]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo dhul kala wareegtay Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa dhul kala wareegtey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland. Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa gaaray wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan […]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgaysay Misaaniyadda June-December,2024[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Gollaha Baarlamaanka Puntland horgaysay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan,sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar). Gollaha waxaa shir Guddoomiyey Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Dowladda Puntland. Madaxda Wasaaradda waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Dardargelinta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga dardargelinta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka kulanka waxaa ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Dakhliga Iyo Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa yeeshay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Guddoomiyaha hHanti-dhowrka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Mmas’uulyiin kale. Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa […]

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Kormeerka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Maamulaha furdooyinka gobolka Bari iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa Wasiirka ku […]

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Guddiga Maaliyadda&Xisaabaadka Baarlamaanka Puntland oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland. Guddiga ayaa Madaxda Wasaaradda wax ka waydiiyey Dakhliga iyo wax soosaarka, Miisaaniyadda Dowladda, bixinta kharashka Dowladda iyo su’laalo kale dhammaana Madaxda Wasaaraddu […]

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Hawlo shaqo u jooga Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kulamo lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda ku qabtay xarunta Cashuuraha Berriga gobalka Bari. Kulanka waxaa ka soo qayb galay Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Mmas’uulyiin kale oo ka tirsan xarunta dhexe ee […]

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Iyo Cashuuraha Berriga gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wafti u hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo hawlo shaqo u jooga m Bosaaso ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda iyo xarunta cashuuraha Berriga gobolka Bari. Wasiirka waxaa kormeerkan ku weheliyey Agaasimaha guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimaha waaxda furdooyinka, waxaana Kastamka Furdada ku […]