GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir Guddoomiyey Kulan looga hadlayey horumarinta shaqada Wasaaradda.
Ujeedka shirkan ayaa ahaa in Guddiga loo soo bandhigo natiijooyinka baaritaannada Dakhliga ee gobolada Bari,Karkaar iyo Mudug iyo in la gala tashado sidii xal loogu heli lahaa ciladaha iyo khaladaadka shago ee ka jira goboladaasi oo warbixin ay ka soo sameeyeen Hantidhowrka gudaha Wasaaraddu.
Agaasimaha Guud ayaa dhageystay aragtiyada iyo soo jeedinada Guddiga ee la xiriirta xogta Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda, waxayna ay soo jeediyeen tallooyin wax ku ool ah oo ku aadan sida shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda loo horumarin lahaa xalna loogu heli lahaa khaladaadka farsamo iyo kuwa maamul ee qaybta dakhliga lagu soo arkay.