Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari.

Wasiirka ayaa ugu horayn booqday Xafiisyada Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Dekada, waxaana halkaasi ku soo dhoweyey Maamulaha Furdooyoinka gobolka Bari Maxamed Yuusuf, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Dekada iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Maamulaha ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka socda ee ay ka mid yihiin cashuurista badeecadaha Dekada ka soo dega, kuwa ka dhoofa, heerka dakhliga iyo shaqooyinka ka socda Xafiisyada Wasaaradda, waxaana
Wasiirku booqday dhammaan xafiisyada iyo goobaha ay ka socdaan cashuurista badeecadaha, isagoo bogaadiyey shaqooyinka socda Madaxda iyo Shaqaalahana kula dardaarmay in la sameeyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga iyo udeegida bulshada adeeg sata Dekada.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqday Bankiga Dowladda laanta gobolka Bari, waxaana uu halkaasi kula kulmay Mmas’uulyiinta Bankiga, waxana ay ka wada hadleen habsami u socodka shaqada bangiga iyo sida loo xeryeeyo dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland