GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta ka qayb galay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada oo lagu qabtay Madaxtoyada Puntland, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.
Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu kordhinayo wax soo saarka cunada iyo nafaqada Puntland.
Waxaana lagu falanqeeyey sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanta istiraatiijiyadeed, loona xallin lahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay qodobo cad oo lagu horUmarinayo dagaalka ka dhanka ah cunno yarida iyo nafaqo-xumada.
Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, waxaana kasoo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.
Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaraadda ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka horumarka laga sameeyey bilihii u danbeeyey,shaqooyiinka aan lagu guuleysan iyo caqabadaha jira una baahan in la xaliyo.
Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiirku xigeenka Maaliyadda ayaa mas’uuliyiintii sharka ka qayb galay su’aalo ka weydiiyey dhammaan xogihii la soo bandhigay Agaasimayasha Waaxyahuna uga jawaabeen Wasiirka.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinkii la soo qabtay ee horumarka laga sameeyey waxana uu sheegay in la xalin doono caqabadaha jira ee la soo badhigay balse shaqaalaha Wasaaradda laga rabo dadaal shaqo.
GARACAD – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah shirkada TTN u gala wareegtay dhismayaal cusub oo ay Wasaaraddu ka hirgelisey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Dhismayaashaan oo ay maalgelisey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka kooban xafiisyo ay ku shaqayn doonaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ka howlgelaya dekedda Garacad.
Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekeda Cabdinaasir Biixi iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ayaa booqaday goobaha shaqada, waxaana uu la kulmay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Isaga oo ku dhiiri geliyey in ay kor u qaadaan dadaal kooda shaqo.
Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday dhisme cusub oo ay Wasaaradda Maaliyadu ka hirgalisay Dekeda Garacad, dhismahan ayaa loogu talagay in ay xarumo u noqdaan Hay’adaha dowladda ee ka hawlgalaya Dekeda ayna dhisty shirkada TTN, waxana shirkada kala wareegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Booqashada dekadda Garacad ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha Waaxda furdooyinka, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqaday Maxjarka naaxinta xoolaha ee laga hirgaliyay dekeda Garacad.
XARFO – Kastamada xaqiijinta Cashuuraha ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay degmadda Xarfo iyo Bacaad-wayn, waxaa safar shaqo ku tagey Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Kormeerka shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug, Agaasimaha kastamada furdooyinka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Madaxda goobaha shaqada ayaa warbixin la wadaagay Wasiirka xog-taasi oo ku aadan Habka Dakhli xaraynta, habsami u socodka shaqada iyo caqabadaha jira ee u baahan sidii loo xalin lahaa.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa su’laalo dheeri ah waydiiyey mas’uuliyiinta goobaha uu booqday kuna aadan xogta shaqaalaha iyo dhaq dhaqaaqyadii dakhli ee ugu dambeeyey, Wasiirkana loo bandhigay dhamaann xogtaasi.
Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug, Maamulaha Furdooyinka iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Koormerka shaqo ee Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda ee uu ku marayo gobolka Mudug iyo gobolada kale ee dalka ayaa salka ku haya sidii wax badan looga ogaan lahaa xogta shaqada iyo shaqaalaha loona xalin lahaa caqabadaha ka jira goobaha shaqada.
Eng.Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiirka ayaa booqaday xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Galdogob iyo Kastamka Tuurdibi, waxaana uu warbixino shaqada la xiira Wasiirka la wadaagay mas’uulyiinta Wasaaradda ee degmada Galdogob.
Wasiirka ayaa sidoo kale booqaday Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Ddegmada Bursaalax iyo Daaraslam kana tirsan gobolka Mudug lana kulmay Madaxda goobaha shaqada.
Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil oo la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda goobaha dakhli soo xeraynta ee gobolka Mudug.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga, bulshada Puntlandna ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtey.
Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada ayaa shir guddoomiyey kulanka oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad iyo ku-xigeenka 2-aad ee Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.
Hor-imaanshaha Gollaha ee Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa salka ku haysa hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland oo ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Gollaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Golluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Gollaha Wakiillada.
Xildhibaannada Gollaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Gollaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Golluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Gollahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad.
Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa shaqada Wasaaradda loona xoojin laha hannanka shaqogalka shaqaalaha, kor u qaadista dakhliga iyo isla xisaabtanka.
Intii uu socaday shirka waxaa si weyn diirada loo saaray horumarinta shaqada ee laga sameeyey Dhammaan gobolada, xalinta caqabadaha jira iyo in la qaado isku duubni, dakhligana kor loogu qaado.
Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiirka Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa si wada jir ah cod dheer ugu sheegay shaqaalaha in la muujiyo dadaal shaqo oo ku aadan dhammaan Goballada.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaqaalaha iyo Shacabka Puntlandba u sheegay in ay Ilaahay hortii ka ballan qaadeen adkaynta ammaanada ay u hayaan bulshada Puntland si qaldana aan loo adeegsan doonin.
Sidoo kale Wasiirka ayaa shaqaalaha la wadaagay in 8 Mashruuc oo dhowaan uu saxiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland laga sugayo kharash keeda in ay soo saaraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo dakhli abuur.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si looga shaqeeyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ujeedka Shirka ayaa ah in si guud looga hadlay xisaab xirada iyo nidaamka xisaab celinta waxaana ka soo qayb galay dhammaan Xisaabiyaasha gobalada.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa warbixin guud ka siiyay madaxda sida ay u socoto shaqada xisaabiyaasha gobolada.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xisaabiyasha gobalada faray in loo baahan yahay in si dhab ah loo dul istaago dakhliga xareynta,isagoo sheegay in gobol waliba looga fadhiyo dakhligii loogu talagay in ay soo xareeyaan.