1 (9)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Hay’adaha Wasaaradda ka taageera soo xareynta Canshuurta Gaadiidka[Sawirro]

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Hay’adaha Wasaaradda ka taageera soo xareynta Canshuurta Gaadiidka[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan la qaatay hay’adaha Wasaaradda Maaliyadda ka taageera soo xeraynta canshuurta gaadiidka.

Kulankan ayaa ahaa mid kor loogu qaadayo soo xeraynta Dakhliga waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Cashuuraha Berig Wasaaradda Maaliyadda,shirkadda PIITECH, saraakiisha Ciidamada ilaalada canshuuraha iyo saraakiisha Ciidamada nabadgalyada wadooyinka Puntland.

Kulanka oo mudo socday ayaa siwayn looga dooday hannaanka wada shaqaynta iyo soo xeraynta gaadiidka aan cashuurta bixin waxaana shirkaasi siwayn loogu ammaanay Bulshada u heelan in ay cashuurta bixiyaan.

Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga ayaa Umahad celyey dhammaan madaxdii kulan kaasi ka soo qayb gashay aragtidoodana ka dhiibtay kor uqaadida dakhliga.

Ugu dambayn sharkan waxaa ka soo baxay in maalinta berri ah hadii ale idmo dhammaan gobolada dalka uu ka bilaaman doonaan ollaha cashuurta gaadiidka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
421919701_779771234176181_882968813145565834_n

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dowladda ku shaqeyn doonto[Sawirro]

GAROOWE – Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbiyeen, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023.

Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar).

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad.

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (12)

Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Duulista Hawada ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Duulista Hawada ayaa looga wada hadlay dardargalinta Dalkhliga iyo xoojinta wada shaqaynta labada Wasaarood.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada ee Garoowe, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Mas’uulyiin kale oo ka socday labada Wasaaradood.

Shirkan ayaa la xiriiray shirar horay u dhex maray labada Wasaaradood kuna aadanaa qorshayaasha soo xerayntana dakhliga iyo sidii hormarin looga samayn lahaa kobcinta dakhliga.

Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo uguna dhaqyeeyaqn dhan kooda soo xeraynta Dakhliga.

Shirkan ayaa lasku af gartay dhammaan qodobadii looga hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (13)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Shirka ayaa inta u socday waxaa looga hadlayay shaqooyinka qabsoomay Wasaaradda ee ay ka mid yihiin kor uqaadida qorshaha dakhliga oo ay ka mid yihiin Cashuuraha Berriga iyo xoojinta wada shaqaynta shaqada Wasaaradda.

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dhakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ka warbixiyay safar u ku tagay Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso ka hirgeliyen tababaro loo qabtay shaqaalaha laguna baray Tacriifada cusub ee dib u casriyanta lagu sameeyey.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (9)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Agaasimahaysha waaxyaha Wasaaradda ayaa diirada lagu saaray halka ay marayaan shaqooyinka, mashruuca RCRF-ka, in ay sidii loogu tala galay usocdaan Dardargalinta dakhliga iyo cashuuraha beriga.
Shaqooyinka kor ku xusan ayaa dhammaan laga gaaray guulo wax ku ool ah waana talaabo dhanka horumarka ah oo horay loo qaaday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa madaxdii kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda kala qayb galay uga mahad celiyey sida hufnaanta leh ee ay uga soo baxeen shaqooyinka loo igmaday.

Ugu dambayn kulankan ayaa lagu balamay kor u qaadida wada shaqaynta & dardargalinta shaqooyinka guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Bankiga Dowladda Puntland Laantiisa Boosaaso oo laga Daahfuray Nidaamka Casriyeynta Ururinta Dakhliga iyo kaydka gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Bankiga Dowladda Puntland Laantiisa Boosaaso ayaa laga daah-furay Nidaamka Casriyeynta Ururinta Dakhliga iyo kaydka gobolka Bari.

Daahfurkan waxaa ka qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Maamulka Bankiga, Xisaabaadka Guud ee gobolka Bari, Maamulaha Furdada Bosaso, ,Agaasime K/Xigeenka Furdooyinka iyo madax ka socotay qaybo kamida hay’adaha Maaliyadda ee gaarka loo leeyahay.

Nidaamka casriyaynta ururinta iyo kaydka dakhliga ayaa qayb ka ah qorshaha kor u qaadista daah furnaanta iyo isla xisaabtanka nidaamka maaliyadda ee Dowladda iyada oo la adeegsanayo technologiyada casriga.

Nidaamkan ayaa waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa hufnaanta nidaamka Maaliyadda iyada oo dakhliga kasoo xerooda cashuur bixiyuhu uu toos u soo gaarayo khasnadda Bankiga dowladda iyada oo qaybaha ku shaqada lehna sida khasnajiyada, xisaabiyayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulayaasha laamaha Bankiga ee gobolada ay kuwada shaqaynayaan qaab digital ah , waxa ayna systemka ku leeyihiin awoodo kala sareeya sida dakhli xerayn , Hubin iyo xaqiijin.

Waxaa xusid mudan in nidaamkan horay looga daah-furay gobolka Nugaal, waxaana socda dadaalo ku aadan sidii gobolada kale looga hirgelin lahaa .

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (8)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Dekada Boosaaso.

Kormeerkan shaqo ayaa ahaa kor u qaadida dakhliga iyo hirgelinta Tacriifada cusub sidii shaqaalaha Wasaaradu u hirgelin lahaayeen, waxaana Agaasimuhu booqaday goobaha shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee cashuura badeecadaha.

Tacriifada dhowaan dib u casriyaynta lagu sameeyey ayaa ah mid ay ka muuqato horumarin
xoogan, waana mid la jaan qaadaysa shaqooyinka cashuurista badeecadaha, waxaana ay fulinteedu ka timid Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Dhabancad.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala Boosaaso, Qardho iyo Garoowe ayaa lagu tababaray Tacriifada cusub, waxaana jira qorshayaal ku aadan sidii loo tababari lahaa shaqaalaha kale ee gobolada.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Tababar Ku Saabsan Cilmiga Barbashadda Kumbuyuutarka ICT oo loo qabtay Shaqaalaha Wasaaraadda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo uu weheliyey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo tababarada ayaa daah-furay tababar Wasaaradda Maaliyadu u qabatay shaqaalaheeda,kuna saabsan Cilmiga barashada Kumbuyuutarka (ICT Training).

Tababarkan ayaa lagu baranayey qaybaha kala duwan ee cilmiga kubuyuutarka-Sida Looga hortago La Iskagana Difaaco Weerarada dhanka Internet-ka ka dhaca iyo Barashada diyaarinta xisaabaadka (Spreadsheet using Pivot tables).

Tababarkan waxaa ka soo qayb galay 30 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha ay ka mid yihiin Dakhliga, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Xisaabaadka, iyo Hantidowrka Gudaha.

Agaasimaha ayaa shaqalaha Wasaaradda ee tababarka loo qabtay kula dardaarmay in ay ka faa’idaystaan casharada la baridoono ee dhanka Computer ka, waxaana uu sheegay in Madaxda Wasaaradda in ay ka go’an tahay in kor looqaado aqoonta shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in tababarkan ay isku soo duba rideen Xafiiska qorshaynta iyo tababarada Wasaaradda Maaliyadda waxaana fuliyey macalimiin ka socda Xafiiska ICT-PFMIS ee Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (4)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Baarlamaanka[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Gollaha Wakiilladda Dowladda Puntland.

Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2024 ee Gollaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka iyo xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024.

Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen guddigu.

Read More
1 (3)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo Shir Guddoomiyay Kulaunka Todobaadlaha ah ee Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa lagu qabtay xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku xeenkaa Dalkhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, ku xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agasimayasha waaxyaha.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha dib u eegista Mashariicda uuna ka mid yahay Mashruuca RCRF waxyaabihii ka qabsoomay 2023 iyo qorshayaasha 2024.

Sodoo kale shirkan intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshayaasha kobcinta cashuuraha berriga oo guulo wax ku ool ah laga gaaray iyo qorshayaasha 2024.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka horay loogu balamay wax ka qabashadooda iyo guulaha la gaaray, bulshadana ugu baaqay in ay cashuurta ku waajibay bixiyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More