Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey kobcinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey kobcinta dakhliga.

Sharkan ayaa ka dhacay xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada ee Caasimada, waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimahaysha Waaxyaha Wasaaradda qaybo kamidah, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Maamulaha Furdada Bosaaso, Xisaabiyayaasha gobolada Sool iyo Nugaal iyo Mas’uulyiin kale.

Sharkan ayaa siwayn looga hadlay Horimarinta, dabagalka dakhliga guud ahaan gobolada Puntland iyo saxida hannaanka goobaha shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale intii uu socday shirkan waxaa looga hadlayay shaqooyinka dhanka Xisaabaadka kuna aadan in dhammaan goboladu yeesheen khasad midaysan oo ku aadan Dalkhliga.

Ugu dambayn sharkan ayaa lagu go’aamiyey meelmarinta go’aamadii horumarinta shaqada ee la isla qaatay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland