Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Duulista Hawada ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Duulista Hawada ayaa looga wada hadlay dardargalinta Dalkhliga iyo xoojinta wada shaqaynta labada Wasaarood.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada ee Garoowe, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Mas’uulyiin kale oo ka socday labada Wasaaradood.

Shirkan ayaa la xiriiray shirar horay u dhex maray labada Wasaaradood kuna aadanaa qorshayaasha soo xerayntana dakhliga iyo sidii hormarin looga samayn lahaa kobcinta dakhliga.

Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo uguna dhaqyeeyaqn dhan kooda soo xeraynta Dakhliga.

Shirkan ayaa lasku af gartay dhammaan qodobadii looga hadlay ee ku aadanaa dardargalinta dakhliga dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland