Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Bangiga oo ka shiray sidii Laanta Bangiga looga hirgelin lahaa Galdogob[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar caarshe oo ay waheliyaan Agaasimiyaasha Bangiga Dowladda Puntland ayaa maanta ku shiray xarunta Bangiga Dowlada Puntland.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii Laanta Bangiga ee Degmada galdogob looga hirgalin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda ee Xafiiska Galdogob.

Laanta bangiga ee galdogob ayaa door weyn ka qaadan doonta daboolida baahiyo badan oo deegaanka kajiray.

Dowladda Puntland ayaa waday horumarin lagu balaarinaayo adeeg bixinta bangiga dowladda si bulshadda loogu fududeeyo in adeega dowladdu goob walba ku gaaro.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Gobolka Mudug ee Wasaradda iyo Madax kale.

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland